Wikipedia:Xeerka Tirtirka
Tan waa bogga dukumentiyo Wikipedia Soomaaliga ah siyaasadda. Waxay sharaxaysaa heer guud oo si ballaaran loo aqbalo oo ay tahay in dhammaan tafatirayaashu ay Caadiyan Raacaan. Isbeddellada lagu sameeyo waa in ay ka tarjumaan heshiiska guud. |
| Fiiro gaar ah: Maamulayaashu waxay awood u leeyihiin inay tirtiraan oo ay soo celiyaan maqaallada iyo bogagga kale ee Wikipedia. Awoodahan waxaa loo adeegsadaa si waafaqsan siyaasadaha la dejiyey iyo tilmaamaha, iyo isku-raaca bulshada. Badanaa waxaa jira beddello loo adeegsan karo tirtirka. |
Xeerka Tirtirka Wikipedia wuxuu qeexayaa (sharaxayaa) sida bog aan ku haboonayn meeshan loo tirtirayo ama looga saarayo diiwaanka maqaalada iyo bogaga u bandhigan bulsho weynta. Sida caadiga ah, maalin walba waxaa la tirtiraa (masaxaa) bogag iyo maqaalo aad u badan, kuwaasi oo iskugu jira afxumo, anshax-daro, faa'iido la'aan, dacaayad, been iyo buunbuunin.
Marka bog ama maqaal la tirtiro waxaa meesha ka baxa dhamaan wixii macluumaad la xidhiidhay bogaasi ama maqaalkaasi, taasi waxaa ka mid ah taariikhda boga, wadahadalka, sawirada, tixraaca iyo dhamaan linkiyada kale ee ku xidhnaa bogaasi. Boga waxaa calaamadayn kara dhamaan isticmaalayaasha gudagalaha leh ee gudaha ku jira, laakiin waxaa awooda tirtirka iska leh Maamulka oo keli ah. Sidoo kale, Wikipedia Soomaali wuxuu leeyahay xarun lagu keeydiyo dhamaan bogaga iyo maqaalada la tirtiray, kuwaasi ood ka heli karto deletion log.
Sababaha wax loo tirtiro
[wax ka badal xogta]
Sababaha bog ama maqaal loo tirtiro waa kuwo badan, waxaana ka mid ah:
- Dhamaan qoraalada anshax darada ah, sida caayda, afxumada, dacaayada iyo weerarka qeexan.
- Qoraalada xuquuqdooda dad kale leeyihiin, sida buugaagta iyo wixii leh xuquuq dhowran.
- Bogaga u qoran qaab aan cilmiyaysnayn.
- Dhamaan bogag xayaysiiska ah.
- Qoraalada u janjeedha dhinac.
- Boga uu qof ka qoro naftiisa ama qof kale oon caan ama muhiim ahayn.
- Maqaalada horey loo qoray ee mar labaad lagu celiyo.
- Boga leh ciwaan bog kale.
- Maqaalada laga qoro beel, reer, qabiil kuwaasi oo la afxumaynayo ama aad loo amaanayo.
- Dhamaan maqaalada aan faa'iido u lahayn bulshada.
- iyo kuwo kale oo badan.